Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo UNDP oo Xoojiyey Iskaashiga Horumarineed

 


Muqdisho, 08 Maarso, Soomaaliya: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Lionel Laurens.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo UNDP, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya laga fulinayo kuwaas oo la xiriira horumarinta warbaahinta, wacyigelinta bulshada, nabad dhiska, la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqanka, dalxiiska, iyo sidoo kale xoojinta tababarrada iyo tayeynta xirfadaha saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo barnaamijyada taageeraya warbaahinta, wacyigelinta bulshada ee dowlad wanaagga iyo xoojinta doorka warbaahinta ee horumarinta bulshada iyo nabadda Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay UNDP taageerada mashaariicda horumarineyd ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada kor loogu qaado awoodda warbaahinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Kulanka waxaa Wasiirka iyo Wakiilka UNDP  ku wehliyay  Maxamed Hadi, Agaasime Ku-xigeenka Maamulka Qeybta Siyaasadda loo dhan yahay ee UNDP iyo Helene Apollis, Madaxa Mashruuca Bilan ee xoojinta warbaahinta, halka dhinaca Wasaaradda Warfaafinta ay kulanka uga qeybgaleen Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta,  Agaasimaha Dhaqanka, iyo Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada.


----DHAMMAAD---

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation