𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗤𝗼𝗼𝗿𝗾𝗼𝗼𝗿?
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee ay dowladda federaalku mudnaanta siinayso. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigay aragtiyo iyo tabashooyin la xiriira heerka iskaashiga ee dhinaca maamulka Galmudug, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay maamulku hirgelinta qorsheyaasha doorashooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in madaxweyne Qoorqoor uusan qaadan doorkii uga aadanaa dardargalinta arrimaha doorashooyinka. Dhankiisa, Madaxweynaha Galmudug ayaa muujiyay faham iyo diyaar garow uu ku wajahayo wax ka qabashada tabashooyinkaasi, isagoo caddeeyay in ay ka go’an tahay in la fuliyo heshiisyadii horey loo gaaray ee la xiriira nidaamka doorashooyinka. Sido...