๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐ฏ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ ๐๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ถ๐ถ ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐ถ๐๐ผ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฒ ๐ค๐ผ๐ผ๐ฟ๐พ๐ผ๐ผ๐ฟ?
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee ay dowladda federaalku mudnaanta siinayso. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigay aragtiyo iyo tabashooyin la xiriira heerka iskaashiga ee dhinaca maamulka Galmudug, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay maamulku hirgelinta qorsheyaasha doorashooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in madaxweyne Qoorqoor uusan qaadan doorkii uga aadanaa dardargalinta arrimaha doorashooyinka.
Dhankiisa, Madaxweynaha Galmudug ayaa muujiyay faham iyo diyaar garow uu ku wajahayo wax ka qabashada tabashooyinkaasi, isagoo caddeeyay in ay ka go’an tahay in la fuliyo heshiisyadii horey loo gaaray ee la xiriira nidaamka doorashooyinka. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in safarro shaqo oo uu ku maqnaa ay hakad geliyeen qaar ka mid ah howlaha, balse uu haatan diyaar u yahay in uu ku laabto dardargelinta geeddi-socodka doorashooyinka.
Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo wada-hadallada joogtada ah, si loo xaqiijiyo hirgelinta heshiisyadii horey loo gaaray, loona fududeeyo qabsoomidda doorashooyin hufan oo ka dhaca Galmudug.
Ugu dambeyn, waxaa lagu ballamay in la sii ambaqaado wada-xaajoodyada farsamo iyo kuwa siyaasadeed, si loo gaaro horumar la taaban karo oo ku aaddan nidaamka doorashooyinka, iyadoo ay jiraan baaqyo ka imaanaya mucaaradka oo ka dagaya doorashooyin halka dhinaca ah.
Comments
Post a Comment