Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Baydhabo kula kulantay ururrada Haweenka Baay

 


Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Baydhabo ku qabatay kulan muhiim ah oo ay la yeelatay ururrada haweenka ee gobolka Baay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ay ku sugan yihiin haweenka Koonfur Galbeed, iyadoo laga wada hadlay fursadaha jira, caqabadaha haysta haweenka, iyo duruufaha nololeed ee ku xeeran.

Haweenka kulanka ka qeyb galay ayaa si wadajir ah uga warbixiyay xaaladooda, iyagoo tilmaamay dhibaatooyinka ay la kulmaan iyo baahiyaha muhiimka ah ee u baahan in wax laga qabto. Sidoo kale, waxay bogaadiyeen dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa soo bandhigtay guulaha ay Wasaaraddu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

- In qoondada haweenka lagu caddeeyay 30% sharciga doorashooyinka iyo axsaabta

- Ansixinta sharciga ka hortagga tacadiyada jinsiga

- Sharciga ka hortagga gudniinka fircooniga

- Sharciga arrimaha qoyska oo xoojinaya xuquuqda haweenka

Wasiiradda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixisay qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda, kuwaas oo lagu doonayo in lagu horumariyo haweenka Soomaaliyeed laguna yareeyo tacadiyada ay la kulmaan.

Ugu dambeyn, waxay haweenka ku boorisay midnimo, wadajir, iyo in ay si wadajir ah uga faa’iideystaan fursadaha jira si ay uga gudbaan caqabadaha hortaagan.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation