Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan la Qaatey Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

 


Baydhabo, Abriil 05, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaasoo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi-socodka dimuqraadiyada, gurmadka abaaraha, iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixiso nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

#Somalia #XasanSheekhMaxamuud #KoonfurGalbeed #OdayaashaDhaqanka #PeaceBuilding #Reconciliation #Democracy #Governance #CommunityLeadership #Development

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation