Posts

Showing posts from December, 2025

Somalia Prepares for Offshore Oil Drilling in 2026

Image
  Somalia is entering a new chapter in its economic and energy development as offshore oil and gas drilling is expected to begin in 2026. This milestone follows years of seismic surveys and exploration efforts conducted in Somali territorial waters, mainly in partnership with Turkey. According to official statements, Turkish energy companies have completed significant seismic data collection, which reportedly shows promising hydrocarbon potential beneath Somalia’s offshore basins. As a result, modern deep‑water drilling ships are expected to arrive in Somali waters in 2026 to begin the first phase of offshore drilling. Why This Matters for Somalia If commercially viable oil or gas is discovered, the impact could be transformative. Offshore energy production could: Boost national revenue and reduce reliance on foreign aid Create jobs and technical skills for Somali youth Strengthen Somalia’s strategic importance in the Horn of Africa Support infrastructure development and public ser...

Soomaaliya oo Raadinaysa Taageero Midaysan oo Golaha Ammaanka ah

Image
Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ku sheegtay faragelinta Israa’i1l ee Soomaaliya mid aan la aqbali karin. Dowladda Turkiga ayaa boggaadisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta amniga, nabadgelyada, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Hadalkan waxaa ka jeediyay Dowladda Turkiga kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo khataraha ka dhalan kara haddii lagu xad-gudbo madax-bannaanida Soomaaliya. Turkiga ayaa caddeysay inay si dhab ah u garab taagan tahay JFS, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada dowladda ee la xiriira ilaalinta madaxnaanideeda. Ugu dambayn, Dowladda Turkiga waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro shuruucda caalamiga ah i...

Somalia Reaffirms Unity with Djibouti 👉 Soomaaliya waxay mar kale adkaysay midnimada ay la leedahay Jabuuti

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka ...

Madaxtooyada Somaliland oo Shaqo Xooggan Maalinta Jimcaha, Aqoonsi Caalami ah oo la Filayo

Image
 Madaxtooyada Somaliland oo maalmaha jimcaha fasax geli jirtay ayaa maanta ka duwan maalmihii hore, inta badan shaqaalaha muhiim ah ayaa la faray in ay soo shaqo tagaan sida qaybta Warbaahinta iyo ICT-ga. Waxa ilaa xalay socda wax si taxadar leh loo wado oo mas’uulkastaana ka gaabsanayo in uu si faahfaahsan uga hadlo. Madaxweyne Cirro oo hadda gurigiisa Hargeysa ku sugan , waxa la jooga inta badan xubnaha muhiim ah ee xukuumaddiisa. Waxa kale oo la filayaa in uu goordhow soo galo madaxtooyada si arrimaha socda loo shaaciyo. Ilo-wargaleen ayaa xaqiijinaya in ay u badan tahay in waddamo ku dhawaaqaan Aqoonsiga Somaliland taas oo madaxweyne Cirro-na markiiba u mahadcelin doono. Sidoo kale waxa warrarku sheegayaan in uu guuldarraystay dagaal diblumaasiyeed oo Villa Soomaaliya ku bixisay in arrimaha socda ay kaga hortagto. Madaxweyne Cirro ayaa hore u sheegay in bishan aan ku jirno ee December la ictiraafayo Somaliland inkasta oo aanu sheegin waddamada aqoonsiga siinaya. Maraykanka, Isr...

Soomaaliya & Turkiga oo Qorsheynaya Ku Dhawaaqista Helitaanka Shidaal Gudaha Dalka

Image
 #UPDATE: Dawladdaha Turkiga & Soomaaliya ayaa qorsheynaya in ay ku dhawaaqan in Shidaal laga helay goobo kamid ah Soomaaliya oo sahmin lagu sameeyey, taas oo ay fulisay dawladda Turkiga aruurinta xogtan. Kulan wadajir ah oo la qorsheynayo in ay bilowga Jan 2026-ka yeeshaan madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud & Dhigiisa Turkiga Rejeb Dayib Erdogan ayaa looga dhawaaqi doonaa warkan, sida ay sheegayaan ilo wareedyo wargal ah. Sida ay Gaylan Media u sheegeen dadka aadka uga warqaba geedisocodkan ayaa xaqiijinaya in ay Villa Somalia qorsheynayso baadigoobka dhaqaale amaah ah, marka lagu dhawaaqo in Shidaal laga helay gudaha dalka. Xassan & Xamse ayaa shalay kuwada dhawaaqay in ay war farxad leh ay soo wadaan, kaas oo wax ka bedelaya horumarka Soomaaliya, Ankara ayaa haysta Heshiiska Kalluunka ilaa Shidaalka dalka oo aan cidna faahfaahin badan kahaynin.

Former British Officers Urge Arms Ban on Israel Over Gaza Conflict

Image
 Four former senior British Army officers, Prime Minister Keir Starmer, have called for a total ban on the export of arms to #Israel and halt all forms of military cooperation with it, warning of "accused of collusion" in violations committed during the War of Genocide on #Gaza. Officers said in a letter to Starmer, the British Times reported on Tuesday that "the time is not right to return to normal dealing with the Israeli government," despite a ceasefire in Gaza, demanding tougher sanctions on #TelAviv. Former officers have vehemently rejected official British statements that the Israeli occupation army was following similar protocols to those approved in the British army, confirming there were “substantial differences,” referring to Israel’s use of random ammunition that has caused “disproportionate civilian casualties and widespread destruction of civilian infrastructure”. They added that evidence of Israel committing "credible and convincing" war cri...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Codkiisa Ka Dhiibtay Doorashada Tooska ah Ee Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir

Image
  Muqdisho, Diaeembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Murwo Qamar Cali Cumar ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Seejada Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ayaa goobta kula kulmay boqolaal muwaadiniin ah oo codkooda dhiibanayey, iyaga oo muujinayey doorkooda muwaadinnimo iyo ka go’naanshahooda dhismaha dowladnimo ku saleysan rabitaanka shacabka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashada, amniga iyo abaabulka wanaagsan ee Ururrada, kaas oo suurtageliyey in shacabka caasimaddu ay si xor ah u dhiibtaan codkooda, isagoo xusay in doorashada tooska ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo matalaadda dadweynaha. Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu...

Maamulka Banaadir Oo Heegan Geliyay Gurmadka Degdegga Ah Ka Hor Doorashada Berri Ee Muqdisho

Image
 MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO HEEGAN GELIYAY ADEEGYADA GURMADKA DEGDEGGA AH MAADAAMA AY DOORASHO DADWEYNE BERRI KA QABSOOMAYSO MAGAALADA MUQDISHO Muqdisho, Diseembar 24, 2025: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso doorasho maalinta berri ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24 saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee u diyaarsan ka qaybgalka doorashada. Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale muwaadiniinta ku baraarujiyay lambarka gaaban ee 991, kaas oo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg a...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Image
  Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir  Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir oo markii hore ay iska diiwaan gelisay ayadoo Wasiirka uu wehliyey Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Nuuro Mustaf Muqtaar Guudoow. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kormeer ku tagtay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo ay si weyn ugu socoto qaadashada kaararka codeynta oo ay dadweynaha gobolka Banaadir ugu diyaar garoobeen 25ka bishan doorashada Golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir. Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashaday shacabka degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ayaa ku boorisay iney saacadaha haray ...

Somalia | Shirkii Kismaayo & Casharka Siyaasadda Casriga ah

Image
  Shirkii Kismaayo wuxuu si cad u muujiyay isbeddel qoto dheer oo ka dhacay deegaanka warbaahinta gudaha Soomaaliya. Warbaahinta caadiga ah ee telefishinnada, oo muddo dheer hoggaaminayay qaabeynta aragtida dadweynaha, waxay si muuqata uga soo hareen doorkii ay lahaayeen. Halkoodii waxaa si buuxda u buuxiyay baraha bulshada, kuwaas oo maanta ah aalad saameyn caalami ah leh, isla markaana ay hormuud ka yihiin shaqsiyaad iyo warbaahin madax-bannaan oo si toos ah ula hadla bulshada. Intii uu shirku socday, dirirta ugu weyn ma ahayn mid ka dhacday hoolalka shirarka, balse waxay ka dhacday baraha bulshada. Halkaas ayaa lagu qaabeeyay aragtiyo iska soo horjeeda, mid walbana uu isku dayay inuu sheekadiisa ku muquuniyo tan kale. In ka badan 70 wariye badankood ah wariyeyaal madax-bannaan oo leh baro bulsho ayaa tegay Kismaayo, balse tiradaasi ma aysan awoodin inay xakameyso ama beddesho aragtiyadii taban ee si xooggan loo faafinayay ee ka dhanka ahaa shirka. Qiimeyntayda, qaban-qaabiyeyaas...

Soo Jeedinta Koowaad ee Qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Image
  Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Mudane İbrahim Yumaklı Kulanka labada Mas'uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada Wasaaradood iyo dardargelinta fulinta heshiisyadii la gaaray oo uu ugu danbeeyay Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda oo ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa dowlada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo wax-wadaqabsiga iyo wadajirka Walaalnimada ku dhisan ee labada dal.  Dhankiisa, Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane İbrahim Yumaklı ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go'antahay taageeradda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo fulinta dhammaan heshiisyadii lawada saxiixday.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Oo Bogaadiyay Ka-Qaybgalka Wasiirrada, Golaha Wasiirraduna Ansixiyeen Sharciyo Muhiim ah

Image
  Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ka dhageystay warbixin la xiriirta doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhacaysa Muqdisho, iyada oo wasaaradda ay soo bandhigtay diyaarinta iyo xaqiijinta amniga goobaha codeynta iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararkooda ee u diyaarsan in ay codkooda dhiibtaan. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa wasiirrada ku ammaanay in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku soo barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, waxa uuna boggaadiyay dedaalkii ay u galeen in ay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.  Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomina...

Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka

Image
  Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka Madaxweyne Donald TrumpXigashada Sawirka,Reuters Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka. Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay "in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka" ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo. Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin. Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

Image
  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ka socda magaalada Muqdisho. Kulankan, oo ay ka qaybgalayaan taliyeyaasha ciidamada waddamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa diiradda saaraya muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado amniga gobolka, maadaama nabadda gobolku ay tahay mid isku xiran, loona baahan yahay iskaashi joogto ah. Taliye Odawaa ayaa tilmaamay in shirkan, oo markii labaad lagu qabanayo Soomaaliya, uu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada ilaalinta amniga gobolka, isla markaana amniga waddan kasta oo ka mid ah gobolka uu yahay tiir muhiim u ah xoojinta nabadgelyada Geeska Afrika.

Sudan Crisis: Heglig Oil Field Under Control and Trump’s Shifting Approach

Image
  Sudan is witnessing significant developments on both the ground and the international diplomatic stage. Recently, forces involved in the Sudanese conflict have taken control of the Heglig oil field, one of the country’s most strategic energy assets. The Heglig oil field, located near the border with South Sudan in the state of South Kordofan, has long been a focal point in the country’s ongoing conflict. Control of this field provides not only a vital economic resource but also a critical strategic advantage for the controlling forces. In parallel with these developments, former US President Donald Trump has reportedly taken a changing approach toward Sudan. This shift in policy or rhetoric signals potential recalculations in how the United States may engage with Sudan amid ongoing instability. Analysts suggest that the combination of strategic gains on the ground and evolving US diplomacy could influence the trajectory of Sudan’s political and economic landscape in the coming mo...

U.S. Intercepts Iranian Oil Tanker Near Venezuela Amid Global Reactions

 The world never stops surprising us. This footage shows Iranian Air Force and Navy personnel directly boarding and seizing an Iranian-owned oil tanker off the coast of Venezuela. The operation was conducted in broad daylight, captured clearly on camera, and has sparked global debate about maritime security and state-led ship interceptions. Just days ago, former U.S. President Donald Trump accused Somalis of being good at “only hijacking ships.” Yet today, the reality tells a very different story. Here we are watching a major world power — the United States — openly intercepting and taking control of a vessel. It raises an important question: why are some nations labeled “pirates,” while powerful countries carry out the same actions under the banner of “security operations”? This incident highlights a double standard in how global maritime actions are judged depending on who is involved. When it is a developing nation, the world calls it piracy. When it is a superpower, the world c...

Golaha Caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda oo bogaadiyay soo dhawaynta Soomaaliya

Image
  Golaha Caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin uguna hanweyn yihiin soo dhawaynta aan caadiga ahayn ee loo sameeyay wafdigooda intii ay ku guda jireen booqashadooda rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goluhu wuxuu bogaadiyay soo dhawaynta kal iyo laabta ah ee ay u fidiyeen madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo rabitaanka xooggan ee ay u qabaan in kor loo qaado dadaallada wadajirka ah iyo dhisidda iskaashi dhab ah oo u adeegaya mustaqbalka Soomaaliya, kana qayb qaata amnigeeda, xasiloonideeda, iyo barwaaqadeeda. Guddoomiyaha Golaha, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan, ayaa bayaan uu soo saaray intii lagu guda jiray booqashada ku sheegay: “Waxaan ka helnay Soomaaliya dal ka soo kabanaya dhibaatooyin iyo caqabado waaweyn, haddana leh rabitaan adag oo lagu soo celinayo xaaladdii caadiga ahayd iyo inaan dhisno mustaqbal la jaanqaadi kara rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waxa ay mudan yihiin marka la eego horumarka iyo xasill...

MADAXWEYNAHA JFS OO SAXIIXAY DHISMAHA GUDDIGA MADAXBANNAAN EE XUQUUQUL INSAANKA QARANKA

Image
  Muqdisho, Diseember 10, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taas oo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo xubnaha Guddigan ayaa xusuusiyay...

Sudan Update: Military Advances, US Policy Shifts, and Civilian Impact

 Sudanese Armed Forces Achieve Strategic Gains The Sudanese Armed Forces successfully secured key areas in South Kordofan, marking a significant field achievement. The reports highlight the strategic importance of these areas, which include vital infrastructure and sensitive locations. 2. Shift in US Policy Toward Sudan The Trump administration is reportedly undergoing a qualitative shift in its handling of Sudan’s crisis. According to Secretary of State Marco Rubio, President Trump is personally monitoring the situation, signaling a more direct U.S. involvement beyond merely sending envoys. Key obstacles to a U.S.-brokered settlement include disagreements between Washington, the Quartet, and Sudan’s military authorities, concerns over the presence of Islamists, and the sensitive Russian military base in Port Sudan. 3. Civilian Impact Highlighted by BBC Investigation A separate BBC investigation revealed the devastating human cost of the conflict. According to the Sudan Witness Pro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Soo Xiray Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed

Image
  Muqdisho, Diseembar 05, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay dib u habeynta waxbarashada, dhiirri gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha taas oo suurt gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka. Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka. “Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta". Madaxweyne ...

Understanding the U.S. Executive Order Targeting the Muslim Brotherhood

Image
  Understanding the U.S. Executive Order Targeting the Muslim Brotherhood The United States recently issued an Executive Order addressing concerns related to the Muslim Brotherhood, citing publicly available evidence involving incidents of violence, ideological influence, and organizational activities. According to U.S. officials, the decision is based on a combination of historic documentation, security assessments, and investigations carried out over the years. Part of the discussion includes incidents in Jordan where groups allegedly linked ideologically or organizationally to the Brotherhood were tied to violent operations. U.S. authorities also referenced documents known as the “Comprehensive Plan,” which were seized in earlier investigations and are believed to outline long-term influence strategies inside the United States. Analysts also highlight that various extremist movements, including Al-Qaeda, ISIS, and other violent offshoots, were historically influenced by thinkers...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Hay’adda Hay’adda Deegaanka

Image
  Muqdisho, Khamiis, 4-ta Diseembar 2025 :— Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka. Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meelmariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.  Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.  Sharciyada iyo heshiisyada Golaha ansixiyay waxaa ka mid ah 1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya , kaas oo ku saabsan iskaashiga ba...

Somalia & EU: A New Era for Media, Culture, and Tourism

Image
  Somalia is taking bold steps toward progress and international cooperation! On December 3, 2025, Minister of Information, Culture & Tourism, Daud Aweys Jama, met with EU Ambassador Francesca Di Mauro in Mogadishu. The meeting focused on strengthening collaboration in media, culture, tourism, and youth innovation—key pillars for Somalia’s sustainable development. Minister Daud expressed gratitude for the EU’s ongoing support in media empowerment, youth creativity programs, anti-trafficking initiatives, and combating misinformation and extremism. Both sides emphasized the importance of community awareness campaigns, particularly in areas related to security, elections, and social cohesion. Ambassador Francesca highlighted the EU’s commitment to Somalia’s recovery and emphasized that supporting media freedom, cultural programs, and tourism is vital for long-term growth. The Somali Ministry reiterated its dedication to expand cooperation with the EU, enhance journalists’ skills, ...

Go’aan cusub oo ka dhan ah Soomaalida ku nool Minnesota oo soo baxay, sidee bay tahay inay u wajahaan?

Image
   Maamulka Trump, wuxuu maanta ku dhawaaqay inay billaabayaan baaritaan la xiriira eedeymaha soo baxay oo lagu sheegay in canshuurta gobolka Minnesota oo la musuq maasuqay ay gaartay ururka al-Shabaab ee Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha maaliyadda Mareykanka,Scott Bessent.  Tallaabadan waxay ka dhigantahay in la baarayo shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ka faa’iideystay mashaariicda dawladda , kuwa taageerrada ka hela barnaamijyada dawladda iyo halka ay lacagaha geeyeen. Waa arrin cadaadis leh oo suragal ka dhigaysa in hab siyaasadeed looga faa’iideyso Soomaalida gobolkaa oo malaayin doollar sannad walba u dira Soomaaliya , iyagoo ku taageerraya qoysaskooda, xilli toddobaadkan uu Trump yiri ; “ Ma jirto sabab Soomaaliya lacag loogu diro.”  Maxay ka dhigantahay ku dhawaaqistan?  Eedeymaha ah in lacag canshuur ah oo Minnesota laga ururiyay ay gaartay AS, xataa haddii aan weli la xaqiijin waxay leeyihiin saameyn weyn oo toos iyo dadbanba ah oo taabanaysa Sooma...

Soomaaliya ma isku dheeli-tiri kartaa xiriirka Aljeeriya iyo Morocco?

Image
  Aljeeriya ayaa dabayaaqadii sannadkii 2024 , waxay si aan horey loo arag u dhistay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya , labadii bilood ee u dambeysay 2024 , wafuud ka socota Aljeeriya ayaa booqday Muqdisho, waxaa xigtay booqasho rasmi ah oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ay ku tageen toddobaadkii hore dalka Aljeeriya , halkaa oo madaxweyne Xasan uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa, Cabdilmajiid Tabbuune. Wadahadallada labada hoggaamiye , waxaa xigay heshiisyo iskaashi ah oo ay kala saxiixdeen wasiirrada labada dhinac , kuwaasoo la xiriira waxbarashada, beeraha, kalluumeysiga, tamarta, macdanta iyo iskaashiga amniga. In ka badan boqol arday ayaa sidoo kale sannad walba laga billaabo 2026, waxaa loo diri doonaa dalka Aljeeriya si u helaan waxbarashada sare iyo tababbaro xirfadaha looga baahanyahay gudaha Soomaaliya.  Soomaaliya iyo Aljeeriya , taariikhda oo dhan xiriirkooda wuxuu ahaa mid mugdi leh , waxay ...