Posts

Showing posts from November, 2025

“Isbeddelka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya: Taageerada GERD iyo Marin-badeedka Itoobiya”

Image
 Itoobiya ayaa ku sheegtay badda dheer ee Soomaaliya inay tahay halka lagu xallin karo baahida Itoobiya ee marin badeed, halka lagu sheegay Madaxweyne Xasan, mowqifka uu ku taageerray siyaasadda Itoobiya ee labada biyood inay ka dhigantahay isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Soomaaliya ee arrimaha Itoobiya ,xilligaana labada dal ay soo gaareen heer xiriir kalsooni leh , taa oo aan horey u dhicin taariikhda oo dhan, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay machadka cilmi-baarista iyo amniga qaranka Itoobiya. Halkan ka akhri warbixinta;  Siyaasadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay xaaladdeeda gudaha iyo cadaadiska dibadda. Xilligii xukunkii Siyaad Barre, aragtida Soomaaliya ee ku saabsan dhulka la isku haystay—sida dhulka ay Itoobiya iyo Kenya la wadaagto waxay noqotay xoogga hagayay siyaasaddeeda arrimaha dibadda. Taasi waxay sanado badan dhaawac ku reebtay xiriirka Soomaaliya iyo deriskeeda. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991, xiriirka Itoobiya iyo S...

Shir Weyn oo Ku Saabsan Isbeddelka Cimilada oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Image
 Muqdisho, November 30, 2025: Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida maalgelinta cimillada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NFC). Shirkaan ayaa diirada lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada Soomaaliya iyo sida ay muhiimka u tahay in laga faa’iidaysto. Intii uu socday shirkaan ayaa si guud lagu qiimeyay baahiyaha maalgelinta cimillada, iyadoo sidoo kale doodo lagula yeeshay kulanka Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ee ku saabsan hal-abuurka maaliyadeed, hoggaanka NCF, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loo diyaarinayo bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta nidaamka Isbeddelka Cimillada.  Shirkaan ayaa waxaa warbixno ku saabsan hannaanka helitaanka maalgelinta maaliyada cimilada ku soo bandhigay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ,Bangiga Horumarinta & Dib-u...

Afgambi ka dhacay Guinea-Bissau: Madaxweyne Embaló xilka laga tuuray kadib doorasho muran dhalisay iyo khilaaf ciidan

Image
 Saraakiil milatari oo ka tirsan Guinea-Bissau ayaa afgami ka sameeyay dalkaa , waxay ku dhawaaqeen in madaxweyne Umaro Sissoco Embaló xilka laga tuuray, isla markaana la hakiyay howlihii shaqo ee dhammaan hay’adaha dawliga ah ilaa amar dambe. Afgambigaa ayaa dhacay toddobaad kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada dalkaa oo laga reebay mucaaradka.  Tan iyo madaxbannaanida 1973 ee Guinea-Bissau oo ah dal ku yaalla galbeedka Afrika, dalkaa wuxuu la kulmay ugu yaraan laba afgambi oo guuleystay iyo dhowr isku day oo fashilmay. Waxaa sidoo kale si joogto ah u dhaca khilaafyo u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Maxaa sababay afgambiga cusub? Isku dayga afgambi ee Embaló lagaga qaaday kursiga waxaa sababay dhowr arrimood oo is biirsaday: 1.Khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya madaxweynaha iyo ciidamada. •Milatariga Guinea-Bissau waligood ma qaataan amarka siyaasiyiinta si buuxda. Embaló oo xilka hayay tan iyo 2020 waxa uu isku dayay inuu xaddido awoodda ta...

The Repeated Targeting of Somali-Americans in Minnesota

Image
Former U.S. President Donald Trump has repeatedly targeted the Somali community in Minnesota, claiming they have “lost millions of dollars illegally” and suggesting they are undermining the state’s security. Each time he addresses Somali-Americans, he also mischaracterizes the Somali government as dysfunctional, spreading misinformation about the country. These repeated statements are not isolated political commentary—they are a form of pressure and intimidation aimed at Somali-American voters. They also reinforce Trump’s image as a hardline leader defending the U.S. against illegal immigration and perceived threats to law and finances. Somali-Americans cannot rely solely on social media reactions. They need leadership that directly engages with politicians, responds to misrepresentations, and participates in mainstream media discussions. Without self-representation, others will define your community, often negatively. It is crucial for Somali-Americans to strengthen relationships with...

Somalia and Malaysia Strengthen Bilateral Media Cooperation in Kuala Lumpur

Image
Kuala Lumpur, 27 November 2025 – The Director General of the Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia, Mr. Abdullahi Hayir Du’ale, together with his delegation, held an official meeting today with the Director General of Malaysia’s National Media, Datuk Suhaimi Sulaiman, along with other senior officials. The meeting, held at the headquarters of Malaysia’s media complex (Menara Angkasapuri), included key representatives such as Za’aba Hj Abu Bakar, Deputy Secretary for Strategy and Corporate Communication (KS), officials from the Departments of Policy and International Affairs, representatives from FINAS (National Film Development Corporation), PERNAMA, and all senior directors of RTM. During the session, Director General Abdullahi Hayir provided a detailed briefing on Somalia’s national media institutions, including SNTV, Radio Mogadishu, the National News Agency (SONNA), Wargeyska Dalka, and the Somali Film Agency. He highlighted the central rol...

Wasiir Fartaag oo Marrakech kaga Qaybgalay Shirweynaha Interpol

Image
 Muqdisho, Soomaaliya: Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalay Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech, Morocco. Intii uu socday shirkan, Wasiir Fartaag ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska (Interpol), Mudane Axmed Naasir, halkaasoo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Interpol. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha soo socda:  • La dagaallanka dambiyada abaabulan  • Ka hortagga argagixisada  • Is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah • Tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah. Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa amma...

Golaha Shacabka oo Ka Dooday Heshiiska Ciidanka Heeganka Bariga Afrika

Image
  Muqdisho, Soomaaliya – 26 Nofeembar 2025: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka, oo ay 140 xildhibaan ka qeyb galeen, ayaa ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca. Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca. Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta sa...

Howlgal NISA oo Lagu Xaqiijiyay Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose

Image
 Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan, ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa xalay howlgal si qorsheysan loo fuliyay ka sameeyay deegaanka Cumar Beerre ee gobolka Shabeellaha Hoose. Halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo falalka amni darro ee argagixisadu ka fulin jireen gobolkaas. Horjoogaha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Xasan Siidoow Xuseen, ayaa ahaa maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, dhagar-qabahan ayaana door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagista weerarada Khawaarijta ee halkaas ka dhici jiray. Ciidanka Gaashaan oo muddo dheer ku raad joogay horjoogahan, ayaa ugu dambeyn xalay ku guuleystay in ay soo afjaraan Horjooge Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kuwaas oo la socday xilligii hawlgalku dhacayey. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA)...

The High-Stakes Battle Over Nicolas Maduro: CIA vs. Cuban Intelligence

Image
  Recent reports from Axios and The Telegraph have revealed an unprecedented geopolitical standoff surrounding Venezuelan President Nicolas Maduro. According to these sources, the CIA is preparing a special operation to eliminate Maduro if he refuses to step down in the coming weeks. Simultaneously, Cuba’s intelligence agency, the DGI, has reportedly mobilized an elite team tasked with targeting Maduro if he seeks to surrender to the United States. This dual pressure has plunged Maduro into a state of heightened paranoia, causing sleepless nights and forcing him to seek refuge in unexpected locations. Why Both Agencies Target Maduro The motivations for the U.S. and Cuba converge around power, resources, and strategic influence. 1. U.S. Interests: Oil and Influence Maduro has long positioned himself against Western influence, particularly U.S. involvement in Latin America. Beneath the political rhetoric lies a more tangible objective: Venezuela’s vast oil reserves. For American corp...

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa oo Daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA)

Image
  Ra’iisul Wasaaraha Xamsa oo Daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) Muqdisho Isniin 24 Nofeembar 2025:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.  Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, saldhigna u yahay Qorshaha Isbeddelka Qarank iyo Hiigsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta. “Waxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay maanta fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay Aqoonsiga Qaranka. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dadka ...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

Image
  Muqdisho, Nofeembar 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF. Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed. Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Fahan Sharci oo ku saabsan Dacwadda Soomaaliya ee EACJ.

Image
  Dacwadda Soomaaliya ee la xiriirta soo-xulista xubnaha Baarlamaanka Midowga Bariga Afrika (EALA) ku Matali doono Soomaaliya, waa kiiskii ugu horreeyay ee dalka loo geeyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ) intii aan ku biirnay Bushlada Bariga Africa.  Dacwadaan waxa ay ku salaysantahay awoodda maxkamadda ee ku qeexan Cutubka Saddexaad ee Heshiiska Midowga Bariga Afrika (1999/2007) gaar ahaan Qodobada (23 &27) oo awood u siinayo maxkamadda in ay fasirto Heshiiska, xaqiijiso in dalalka xubnaha ah ay raacaan waajibaadkooda. Maaddaama soo-xulista EALA ay ku nidaamsantahay Qodobbada (50, 51 &52) ee Heshiiska EAC, habraacyada gudaha ee dalalka xubnaha ka ah waa inay si buuxda ula jaanqaadaan shuruudaha Heshiiska marka ay fulinayaan . Warqadda muddeynta dhagaysiga dacwadda ee ay soo saartay Maxkamadda EACJ (Application No. 16 of 2025 (EACJ), Amb. Mohamed Ahmed Awil & Another vs. Somalia & EALA) waxa uu muujinayaa in dacwoodayaasha ay ku doodayeen in habka Ba...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Shuruuc iyo Heshiisyo Muhiim u ah Horumarka iyo Ammaanka Dalka

Image
 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey shuruuc iyo hehsiisyo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey; 1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal. 2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto. 3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka. 4.⁠ ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada. 5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha  Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo ban...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,

Image
  𝗡𝗮𝗶𝗿𝗼𝗯𝗶 | 𝟏9 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada 𝗡𝗮𝗶𝗿𝗼𝗯𝗶 ee dalka Kenya, ayaa kulan soo dhaweyn heer sare ah la yeeshay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka Kenya, Marwo Hon. Alice Wahome (EGH). Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyadoo wada-hadallada diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada wasaaradood, gaar ahaan:  • Iskaashiga tababarrada iyo isdhaafsiga khibradda ee ku saabsan magaaleynta, guriyeynta iyo maamulka dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.  • Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kuwa la xiriira marinnada isku xira Soomaaliya iyo Kenya.  • Hirgelinta barnaamijyada guryaha jaban, la awoodi karo oo adkaysi leh, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta magaa...

Horumarinta Hay’adaha Dowladda: Shirweyne Labaad oo Qiimeyn iyo Kormeer Qaran ah

Image
 Muqdisho, Talaado, 18 Nofeembar 2025:- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey’adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay adkeynta awoodda hey’adaha dowladda, dhisidda nidaamyo shaqo oo xooggan, iyo kor u qaadista siyaasadaha horumarinta qaranka. Wuxuu xusay in iyada oo la soo gabagabeeyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay haddana lama huraan tahay in la hirgeliyo kormeer qaran oo hufan, si loo hubiyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hey’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo bogaad...

𝗟𝗼𝗼𝗹𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗴𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮

Image
  Gobolka geeska Afrika ayaa wajahaya waqti colaaddu sare martay , hal khalad oo dhacana gobolka wuxuu geli karaa dagaal dhammeystirin, sabab la xiriirta hadallada adag iyo dhaqdhaqaaqyada isbahaysi ee ka socda gobolka, xaaladan oo xataa soo jiidatay dalal ka fog gobolka oo sirdoonkoodu maalinle u bixinayo warbixinno ay digniin kbuuxdo. In ka badan 25 sanno kadib, hawada gobolka waxaa buuxiyay duulimaadyada ay la socdaan diblomaasiyiin iyo saraakiil sirdoon, taa oo ay barbar socdaan diyaaradaha xamuulka ah iyo maraakiibta lagu daabulayo hubka. Arrinta oo dhana waxay salka ku haysa damaca Itoobiya ee inay gaarto badda cas iyo hadallada diblomaasiyadda ka maran ee ay is dhaafsanayaan Itoobiya iyo Ereteriya oo midba midka kale ku eedeynayo inuu wado isku diyaarin dagaal. Xilli Itoobiya ay isku arkaysay inay xakameynayso xiisadan, waxaa soo baxday Masar oo hadda isku muujinaysa awoodda ka hortagaysa iskuday kasta oo itoobiya ay ku gaarayso badda cas. Masar si lama filaan ah waxay heshi...

Madal Muhiim ah: Doorka Dhalinyarada ee Ka Hortagga Fikirka Xagjirka Rabshadaha Wata

Image
  Muqdisho – Xarunta Qaran ee La-Dagaalanka Fikirka Xagjirka Rabshadaha Wata (Tubsan) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay madal dood cilmiyeed oo lagu falanqeeyay kaalinta dhalinyarada ee ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo sidii loo xoojin lahaa doorkooda muuqda ee nabad-dhisidda. Madasha waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Gaani, oo xusay in dhallinyaradu yihiin awoodda ugu weyn ee bulshada, laguna baahan yahay in la kordhiyo wacyigelinta, xirfadaha fikirka kritikalka ah, iyo ka qaybqaadashada amniga bulshada. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda, kuwaas oo si isku mid ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada la siiyo fursado waxbarasho, tababarro xirfadeed, iyo wacyigelin joogto ah si looga ilaaliyo marin-habaabinta fikirka xagjirka ah. Doodda madasha ayaa diiradda saartay kor u qaadista wacyiga bulshada, dhisidda hoggaaminta dhalinyarada, iyo abuurista jawi taageera doorkoo...

Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka,

Image
 Muqdisho, Axad, 16 Nofeembar 2025:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda. “Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku sale...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 14th November, 2025

Image
  1- President Hassan Sheikh Mohamud held a cordial meeting in Algiers with Algerian President Abdelmadjid Tebboune. 2- President Hassan Sheikh Mohamud toured the Somali Embassy in Algeria, and listened to a briefing from the diplomats working at the embassy. 3- President Hassan Sheikh Mohamud visited Africa’s largest mosque, the Algerian pharmaceutical factory, and the Artificial Intelligence Center, and heard briefings from their administrations. 4- President Hassan Sheikh Mohamud laid a wreath at the Algeria Martyrs Memorial in memory of the heroes who sacrificed their lives for the struggle for independence and defense of the country. 5- President Hassan Sheikh Mohamud expressed gratitude to the Algerian President and people for their warm welcome and brotherly spirit, noting Algeria’s role in defending Africa’s interests and supporting allied governments. 6- President Hassan Sheikh Mohamud and his Algerian counterpart Abdelmadjid Tebboune witnessed the signing of agreements be...

Mareykanka oo lagu qasbay inuu taageerro milatariga Suudaan, sidee ?

Image
  Mareykanka , wuxuu dhawaan ugu yeeray Washington; Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan iyo taliyaha sirdoonka , halkaa waxay geeyeen caddeymo ku filan hubka Shiinaha oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , gantaallo iyo nidaamyada hawada ka saara isgaarsiinta, ma aha inuu Shiinaha hubkiisa si toos ah u geeyo Suudaan, balse wuxuu ku helayaa dhaqaale badan.  Kadib dagaalkii Pakistan iyo Hindiya , hubka Shiinaha ayaa soo jiitay caalamka , xilligaa oo gantaallada Shiinaha ay awoodeen inay dhulka soo dhigaan diyaaradaha jiilka 4.5 ee reer galbeedka, mar kale hubka Shiinaha wuxuu gacan ku siiyay kooxda RSF inay burburiyaan awoodda milatariga Suudaan. Dagaalladii ka dhacay waqooyiga gobolka Darfur, waxay dood ka fureen xarumaha difaaca ee NATO, sabab la xiriirta horumarka RSF ay ka sameynayso gobolka , iyadoo adeegsanaysa hubka Shiinaha , waa wax aysan dooneyn NATO oo ku tiirsan wax soosaarka milatari ee Mareykanka , halkaanna waxaa ka faa’iideysanaya milatariga Suudaan oo ...

Wasiir Cali Xoosh Oo Ku Baaqay Is-Cafis Iyo Wadahadal Dhexdhexaad ah oo u Dhexeeya Beelaha Gaaljecel iyo 5ta Caleemood

Image
  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la yeeshay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5ta Caleemood, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka taagan deegaannada ay colaaddu saameysay. Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in khasaaraha ka dhashay colaadda uu yahay mid laga xumaado, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha. Mudane Cali Xoosh ayaa xusay in diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siiyeen ilaalinta nafta iyo hantida, isagoo ku baaqay in bulshada lagu hogaamiyo jidka is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta dhab ah. Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay isagoo xasuusiyay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay masuuliyad ka saaran tahay koryeelidda qiimaha wadahadalka iyo nabadaynta. Isagoo sheegay in dowladda F...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga.

Image
  Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, munaasabad ka dhacday Qasriga Qaranka ee Kinshasa. Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamka. Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga. Ugu dambeyn Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigeliyay in la fududeeyo helista rukhsada...

Dekedda Muqdisho iyo Jaamacadda Banaadir oo Xoojinaya Iskaashiga Aqoon Kororsiga

Image
  Muqdisho, 10 November 2025 – Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Maamulka Sare ee Jaamacadda Banaadir, oo uu hoggaaminayay Dr. Cusman Maxamud Dufle, Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Bulshada ee Aqalka Sare BFS ahna Guddoomiyaha Mu’asasada Jaamacadda Banaadir, iyo Dr. Maxamed Maxamud Xasan, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo Jaamacadda Banaadir, gaar ahaan dhinacyada tababarrada aqooneed iyo kor u qaadista xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Intii uu socday kulanka, Maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa uga mahadceliyay Maamulka Dekedda tababarradii aqoon kororsiga ee dhawaan ay ardayda qeybta Culuumta Badda ku qaateen gudaha Dekedda Muqdisho. Waxay sheegeen in tababarradaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ahaa fahamka dhabta ah ee ardaydu ka helaan shaqooyinka iyo nidaamka maareynta dekedaha. Sidoo kale, Jaamacadda Banaadir a...

Soomaaliya oo Xoojineysa Dalxiiska: Wasiirka DFS oo Riyadh kula Kulmay UNWTO

Image
  Riyadh, 9 November 2025: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu ka socdo Shirweynaha Dalxiiska Qaramada Midoobay, kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Dalxiiska Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee UNWTO. Madaxda Wasiirka la kulmay ayaa kala ah Agaasimaha Afrika ee Elcia Grandcourt iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga Beka Jakeli. Kulanka Wasiirka iyo madaxda UNWTO ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dalxiiska Soomaaliya iyo sidii iskaashi buuxa u wada yeelan lahaayeen Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhanka arrimaha dalxiiska. Wasiirka ayaa madaxda UNWTO uga warbixiyay koboca adeegga dalxiiska ee Soomaaliya iyo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan horumarinta dalxiiska, kaas oo ku saleysan casriyeynta adeegga iyo xoojinta hadafka UNWTO ee ah in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha dalxi...

"Sirdoonka Israa’iil oo ka digay qorshaha Turkiga ee Qasa"

Image
 Telefishinka i24NEWS ee ka soo baxa Israa|l ayaa markii u horreysay soo bandhigay sharraxaad la xiriirta , sababta ay Israal u diidantahay inuu Turkiga joogitaan ku yeesho gudaha Qasa, iyadoo la xiganayo saraakiil kale duwan oo Israa|l ah, waxaa warbixinta lagu sheegay ;  Turkiga , oo adeegsanaya magaca howlgallo gargaar bani’aadanimo, taageerro dib u dhis iyo nabad ilaalin , wuxuu galaa goobaha jilicsan ee istaraatijiga ah, balse ujeeddada ma aha taageerro ee waxaa inuu helo saldhigyo ciidan, dhaqdhaqaaq sirdoon iyo helida dhul cusub, taa oo laga heli karo marka taariikhdiisa dib loo akhriyo.  Warbixintan, waxaa tusaale loo soo qaatay gelitaanka Turkiga ee Qabrus, Liibiya iyo Suudaan oo la sheegay inay ku dhaceen dabinta Turkiga , kuwaasoo aqbalay inuu Turkiga siinayo taageerro nabad ilaalin , balse wuxuu dhaqangeliyay Turkiga siyaasadiisa inuu dhul qabsado. Warbixinta ayaa intaa sii raacisay: “Israa|l waxay hadda ka baqaysaa in bartilmaameedka xiga uu noqdo Qasa.” Tusa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 07, November 2025.

Image
  1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalay furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar. 3- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dodoma uga qeybgaley caleema-saarka Madaxwaynaha la doortay ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan. 4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay cabasho ka timid bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah xarumaha laga bixiyo kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA, isagoo faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga. 5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Ciraaq, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la d...

Hay’adda NIRA oo Heshiis Wadashaqayn La Saxiixatay Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSA

Image
 Hay’adda NIRA oo Heshiis Wadashaqayn La Saxiixatay Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSA Muqdisho, Soomaaliya, Sebtembar 17, 2025 — Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), iyo Guddoomiyaha Dalladda  Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed (SONSA), Mudane Cusmaan Muxyaddiin Macallim (Shaatax), ayaa maanta heshiis is-afgarad oo u dhexeeya labada dhinac ku kala saxiixday Xarunta Guud ee Hay’adda.  Maareeyaha oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ayaa sheegay in bulshada rayidka ahi ay laf-dhabar u tahay xoojinta xiriirka Hay’adda iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, iyo in Ururrada Bulshada Rayidka ahi ay si mug leh uga qayb-qaataan dadaallada wacyigelin ee ku aaddan diiwaangelinta dadweynaha Soomaaliyeed.  Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSA), Mudane Cusmaan Muxyaddiin, ayaa isna dhankiisa hoosta ka xarriiqay muhiimadda heshiiska iyo in SONSA diyaar u tahay sare-u-qaadidda wacyigelinta dadweynaha ee la xi...

Zohran Mamdani: Guusha Taariikhiga ah ee Muslimka ugu Da’da Yar ee Noqday Maayirka New York

Image
  Zohran Mamdani, wuxuu noqday maayirkii ugu horreeyey ee Muslim ah, ugu da' yaraa, uguna dhawaangalsanaa dalka Maraykanka. Sannad ka hor, markii uu Zohran u istaagay ololaha doorashada waxay taageeradiisu ahayd 1%. Lama aqoon, wuxuu ahaa 34-jir ka soo haajiray Uganda, oo dhalashada Maraykanka qaatay sannaddii 2018. Waxa intaa dheeraa, in uusan hore xil u soo qaban, xoolana u haysan. Waxa si mayal adag u diiddanaa hantiilayaasha ugu lacagta badan adduunka ee New York deggen, warbaahinta, loobbiga Yuhuudda, madaxweyne Trump iyo guurtida ay ka go'do talada Xisbiga Jamhuuriga iyo kan Dimuqraaddiga intaba. Jeebkiisu wuu marnaa, mana uusan haysan deeqbixiyayaal waaweyn oo garab istaaga. Waxa la iswayddiin karaa sidee ayuu kaga tallaabsaday dhammaan caqabadahaas, kuna jiiray xoogaggii waaweynaa ee isku dayey in ay hor istaagaan? Haddii aan furfurno wayddiintan waxaan oran karnaa: Tan koowaad: ka go'naansho han iyo ka miradhalin hadaf, taas oo lagu kabay iimaan iyo kalsooni sugan....