Posts

Showing posts from February, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Image
  Mogadishu, Friday, 27th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie, the Duchess of Edinburgh, at the Villa Somalia. 2- Prime Minister Hamza Abdi Barre has virtually attended the 61st Human Rights Council Session, noting that Somalia will continue to strengthen progress on human rights issues and address global challenges. 3- Prime Minister Hamza Abdi Barre hosted an iftar meeting with the officials and staff of the Office of the Prime Minister, urging them to continue the dedicated noble service they undertake for the Somali people. 4- Prime Minister Hamza Abdi Barre held a meeting focused on national prioritization with the leadership of the political organizations that participated in the recent local authorities elections held in Benadir Region. 5- Members of both Houses of the Federal Parliament of Somalia concluded deliberations on some chapters of the Provisional Constitution. 6- Minister of Information, Culture and Tourism, H.E. Daud Awe...

President Erdoğan Pushes Back Against Secular Criticism Over Islamic Education in Türkiye

Image
   President Recep Tayyip Erdoğan has issued a strong response to secular groups in Türkiye who have recently voiced opposition to the growing emphasis on Islamic education among young children, including Qur’an memorization, fasting, prayer, and core Islamic values. Secular critics argue that these policies undermine the legacy of Mustafa Kemal Atatürk and claim that Türkiye’s secular system is being replaced with an Islamist-oriented framework. They have expressed particular concern over the exposure of the new generation to religious teachings, viewing it as a departure from the country’s secular foundations. Addressing these concerns, President Erdoğan firmly rejected the accusations, emphasizing that Islam is an inseparable part of the nation’s identity. He questioned why secularists are disturbed by children learning prayer and fasting, embracing the values of Ramadan, or collectively chanting Islamic nasheeds in public spaces with enthusiasm. He further highlighted what...

Madaxweynaha Galmudug oo Daah-furay Mashruuca Waddada Laamiga ah ee Isku Xireysa Dhuusamareeb iyo Qaradhi (60KM)

Image
  Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda daah-furka mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, iyo deegaanka Qaradhi. Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 60-KM ayaa ah mid si weyn muhiim ugu ah horumarinta isku socodka iyo isku xirka deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer oo uu ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xukuumadda Galmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarka nolosha bulshada, isku socodka, iyo kobaca ganacsiga. Waxa uu xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono fududeynta safarka, dhimista caqabadaha gaadiidka, iyo sare u qaadista fursadaha dhaqaale ee ka dhalan kara isu socodka ganacsi iyo adeegyo bulsho. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in waddadan ay gacan ka geysan doonto xoojinta isku xirka magaalooyinka iyo deegaanada miyiga...

DFS oo Faahfaahin Ka Bixisay Shirkii Golaha Mustaqbalka iyo Qodobadii Lagu Heshiiyay

Image
  Dawladda Federaalka oo markii 1-aad ka hadashay shirkii ay wada yeesheen dhankeeda iyo Golaha Mustaqbalka ayaa sheegtay in 3 qodob heshiis lagu ahaa, kuwaas oo ah intii aan tabinay is aragii 1-aadba. 1. In la sameeyo guddi ka soo talo bixiya arrimaha doorashada Heer federaalka. 2. In la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada. 3. In bisha Abriil 2026 la qabto kulanka labaad ee gogosha si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada federaalka ah. Isla qoraalka dawladda Federaalka ayaa lagu sheegay in golaha mustaqbalka keenen dood ah in ay door kuyeeshaan hanaanka Doorashada DG ku dhacayso, waxaana muuqata in dawladdu bilowgii ogolaatay in DG doorasho lagasho laakiin nooca laysku diiday. “Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustagbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi'da ku xusan Dastuurka Dalka”ayaa lagu yiri warka DFS. Dawladdu waxay inkirtay dooda Dastuurka oo dhan in laga ...

Critical Challenges Facing Somalia Today

Image
  Somalia continues to face multiple pressing challenges that are reshaping its political, social, and economic landscape: Unilateral Decision-Making – Centralized internal decisions are harming political inclusivity and stability. Key voices are often excluded, undermining trust in governance. Electoral Stalling – Persistent delays in setting clear timelines for regional and presidential elections are stalling political progress and fueling uncertainty. Property Rights Violations – Somali-owned lands in Mogadishu are being seized, threatening livelihoods and raising concerns over justice and fairness. Foreign Interference – External actors increasingly influence Federal Government decisions, affecting Somalia’s sovereignty and policy-making. Security Deterioration – Security across multiple regions is worsening, with recent violent clashes in the South West State highlighting the ongoing risks. Economic Crisis – Declining living standards and economic hardship are affecting millio...

Mexico on Edge After the Death of CJNG Leader Al Mencho

Image
  Mexico has plunged into one of its most dangerous security crises in recent history following the killing of Nemesio Oseguera Cervantes, better known as Al Mencho—the ruthless head of the Jalisco New Generation Cartel (CJNG). Al Mencho was critically wounded during a special military operation on Sunday and later died from his injuries. For years, he ranked among the most wanted criminals in the world, with the United States placing a $20 million bounty on his head. Multiple reports suggest that US intelligence played a facilitation role in the operation, although Mexican special forces carried out the mission. Nationwide Chaos and Retaliation Following confirmation of his death, CJNG launched a wave of violent reprisals across Mexico. Airports, government facilities, fuel depots, banks, and other strategic sites were set ablaze or attacked. Armed confrontations between cartel forces and security units continue in several regions. CJNG’s firepower and tactical coordination are pa...

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Image
  Hordhac: Degmada Buurhakaba waa magaalo leh taariikh qoto dheer oo ku qasbaysa qof kasta inuu dib u milicsado marxaladihii ay soo martay. Taariikhdaas ma aha oo keliya xusuus hore, balse waa cashar nool oo ka tarjumaya waaqaca maanta jira. Nasiib darro, marar badan lagama baran wixii dhacay, xitaa waxaa dhici karta in si fudud loo iloobo. Maahmaahda uu yiri Malaaq Guudaw: (Aawkaa dhimedii dhegtoo wu, Aawka wal dhedhaansedaayine dheg xumo wu) waxay xambaarsan tahay digniin ah in haddii aan la maqal casharka taariikhda, qaladku soo noqnoqonayo, iyo in aan gumeysi laqaadan karin. Buurhakaba iyo Dagaalladii 1991–1992: Dagaalladii sokeeye ee billowday 1991, Buurhakaba waxay ahayd mid ka mid ah goobihii ugu dambeeyey ee lagu dagaallamo kahor inta aysan qabsan ciidankii dowladdii Mohamed Siad Barre ee soo roggaal celiyey Magaalada, waxaa hormuud ka ahaa dadkii deegaanka oo door muuqda ka qaatay ka hortagga burburka iyo xoreynta aagga. Jaaliyadda reer Buurhakaba ee ku noolaa Sacuudiga ay...

Soomaaliya Oo Bilowday Bixinta Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Image
  Maanta Soomaaliya waxa ay biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika oo la siinayo shacabkeenna, ardayda, ganacsatada, shaqaalaha, iyo qoysaska, tan oo fureysa albaabka gobolka iyo dunida inteeda kaleba.  Ku biirista Bulshooyinka Bariga Afrika, waa astaan lahaansho, waxa ay fududeynaysa socdaalka, abuureysana fursado wadaag ah, taasi oo ka dhigan sare u kaca aqoonsiga uu dunida ka heley baasaboorka Soomaaliga ah.  Baasaboorkeena oo sanadkii 2021-dii ku jiray kaalinta 111-aad ee dunida, ayaa hadda soo gaaray kaalinta 96-aad, sarena u kacay 15 buundo. Maanta dadkeena ma haystaan baasaboor oo kaliya, ee waxa ay haystaan baasaboor albaabo badan fura, abuura xiriiro, dunidana tusaya in Soomaaliya ay dib usoo laabatay.  Waxaa muuqata kalsooni sii kordheysa oo uu adduunka ku qabo baasaboorka Soomaaliga ah dowlad wanaag iyada oo ay kordhayso kaalinta Basabboorka Soomaaliya ee heerarka caalamka. Maanta muwaadhiniinta Soomaaliyeed waxa ay si xor ah ugu safri karaan ku dhow...

Sanbaloolshe: Siyaasi Mar Kale Soo Ifbaxay Xilli Doorasho Lagu Jiro

Image
Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) waa siyaasi muddo dheer ku jiray masraxa siyaasadda Soomaaliya. Saddex jeer ayuu soo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), sidoo kale saddex jeer ayuu noqday mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, isaga oo metelayay kursiga beeshiisa. Intaa waxaa dheer, Sanbaloolshe wuxuu soo noqday diblumaasi Soomaaliya u jooga Boqortooyada Midowday (UK). Sanbaloolshe waxaa lagu yaqaannaa hadal adag iyo go’aan cad; cidda uu la jiro mar walba gadaal ugama dhaco. Maalmihii u dambeeyey, dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ayaa si weyn u kordhay, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee laga doodayo doorashada dalka iyo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Ka-soo muuqashadiisii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilligii la soo dhaweynayey madaxda Puntland, iyo sidoo kale kulankii Axmed & Deni ee isla garoonka, ayaa loo arkay fariimo siyaasadeed oo qoto dheer xambaarsan. Sanbaloolshe wuxuu ka mid ahaa xubno xildhibaano ah...

🌙 Ramadan 2026 Moon Sighting & Start Date (Somalia)

Image
Here’s the most current and reliable information available as of Tuesday, February 17, 2026: 🌓 Crescent Moon Sighting — Not Confirmed in Somalia Yet There are no official reports yet from a Somali religious authority or moon-sighting committee confirming that the Ramadan crescent moon has been sighted in Somalia this evening. Astronomers say the new moon will be born on February 17, but it will be very young and difficult to see with the naked eye right after sunset tonight, making it unlikely to be observed today in most places including Somalia. � somalimediamn.com 📅 Expected Start of Ramadan in Somalia If the moon IS sighted tonight (17 Feb) after sunset, then Wednesday, 18 February 2026 would be the first day of Ramadan in Somalia. � somalimediamn.com If the moon is not seen tonight, then the 29th day of Sha’ban will complete 30 days, and the first day of fasting will be Thursday, 19 February 2026. � somalimediamn.com 🕌 What Other Countries Are Doing Some Muslim communities and ...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Qado Ah Ku Maamuusay Xubnaha Golaha Mustaqbalka

Image
  Feberaayo 17, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii Xukuumaddu ay u fidaysay 19 bishii Jannaayo 2026. Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay Xukuumadda, si looga wada hadlo xaalada guud ee dalka sida Doorashooyinka, Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta. Kulankan qado sharafta ah waxaa ka qeyb-galay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xubnaha kala duwan ee Golaha Mustaqbalka.

Shakiyaal Ku Saabsan Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweynaha Imaaraadka Ka Dabay Socodka Erdogan Oo La Joojiyay

Image
  Hadal heynta ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa baraha bulshada lagu wadaagayaa 48 saac ee u dambeysay , kaddib markii ay soo baxday inuu wajahayo xaalad caafimaad oo dhalisay in la joojiyo jadwalkiisa shaqo ee toddobaadkan, wax walbana waxay cirka isku shareereen markii madaxtooyadda Turkiga ay baahisay inuu Erdogan baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta, sabab la xiriirta madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo xanuusanaya.  Laakin maxaa ka dhab ah?  Illaa hadda ma jiro warsaxaafadeed ama hadal ka soo baxay Abu Dhabi oo looga falceliyay hadal heynta la xiriirta xaaladda caafimaad ee Al Nahyan, mana aha Erdogan kaliya cidda baajisay socdaal ay ku tagi lahaayeen Abu Dhabi ee madaxweynaha Giriiga ayaa isagana baajiyay booqasho horey loo qorsheeyay.  Laakin, wax su’aal galinaya dhab ahaan shaha xaalad caafimaad oo qasbaysa inuusan wax shaqo ah qaban karin Maxamed Al Nahyan inay jirto, ka...

Soomaaliya oo Furatay Bog Cusub oo Horumar ah – Curad-1 Oil Drilling

Image
  Maanta, Soomaaliya waxay gaartay guul taariikhi ah oo ku saabsan horumarinta kheyraadkeeda dabiiciga ah. Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka waxay wada gaareen tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka dalka – hirgelinta howlgalkan qodista ceelka shidaalka ee Curad-1. Arrintani waa rajo muddo dheer ay wada naawilayeen shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku timid dadaal, adkaysi, iyo halgan ay ummadda ku soo martay marxalado adag. Maanta, tallaabadan waxay u istaagtay dhismaha mustaqbal barwaaqo ah oo ka tarjumaya horumar waara iyo koboc dhaqaale. Imaanshaha markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, oo ku soo wajahan xeebaha Soomaaliya si uu u bilaabo howsha qodista, ayaa calaamad u ah bilow cusub. Tani waxay muujinaysaa kobaca dhaqaalaha, kalsoonida maalgashadayaasha, iyo madax-bannaanida dalka ee dhanka tamarta. Hawshan ma aha mid sahal ah; waa tallaabo istiraatiiji ah oo sare u qaadaysa kalsoonida maalgashadayaasha, kor u qaadaysa madax-bannaanida tamarta, isla markaana muuj...

MAXAA KA SOCDA MUQDISHO?

Image
  Majiraan wali Tanaasulaad ka yimi dhinacyada oo ku aadan goobta wada hadalka & goortaba labadaba, ilo wareedyo ayaa sheegaya in haddii aan maanta ilaa berri kama dambeys aan la gaarin waqtiga shirka iyo goobtaba dibu dhac hadda jira mid kasii badan la filanayo, bilashada bisha Barakeysan awgeedna Soon-fur lagaari karro (Haddii aan 48saac heshiis la helin). Golaha Mustaqbalku, waxay sugayaan in madaxweyne Xassan Sheikh soo laabto, oo wada hadal dhab u hadal ah la aado, laakiin Villa Somalia xubno ka mid ah waxay sheegayaan in aysan sidaas ugu badin, haddii aan tooda layeeleyn ah in kulanka ka dhaco Aqalka madaxweynaha. Warar aan la xaqiijin oo wali hal dhinac ah ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheikh oo Addis Ababa kasoo duulay, uu doonayo in uu tago halka ay degan yihiin madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo uu salaan ugu tago, laakiin dhinaca 2da maamul xaqiijinayaan warkaas. Wakiilada caalamiga ah, maanta ilaa Arbacada ayaay wararku sheegayaan in ay wadi doonaan l...

Guul Taariikhi ah: Soomaaliya oo Labo Kursi Amni oo Caalami ah Ku Guuleysatay

Image
  Gallad Eebbe weyne iyo dadaalka ay Dawladda Soomaaliyeed gashay, ayaa suurtagal ka dhigay in maanta Qarankeenu dhex-fadhiyo labada hay’adood ee adduunka & Afrika u kala qaabilsan amniga iyo nabadda. Janaayo 2025 wuxuu dalkeena markii ugu horeysay 50 sano ka badan dib-u-fariistay mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (UNSC 2025-2026). Waxaana suurtagaliyay arrintaas dadaalkii aan kala harka lahayn ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhex sameysay dunida, waana ku guuleysanay.  Dadkeenna iyo Dawladdeennuna si aan gabbasho lahayn, ayay ugu istaageen iska-difaacii weerarkii qaawanaa ee ay Isra’il kuso qaadday madax-banaanideena iyo Midnimada Qarankeena. Bishaan hadda aynu ku jirno ee Feberaayo 2026, waxaa dalkeena usoo hoyatay guul kale oo taariikhi ah, kadib markii aan dadaal, ka go’naansho iyo mudnaansiin lanimid taas oo inoo sahashay inaan ku guuleysano kursi kale oo aan joogto ahayn, balse muhiim u ah difaaca ...

Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 13-ka February, 2026

Image
  Warbixinta Toddobaadlaha ee  1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee dalkeennu ku hantey kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028. 2- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, ee uu ka geeriyooday Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka. 3- Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman. 4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. 5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi oo si’ wadajir ah qabtay shir jaraa'id oo ay ku soo ...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WAFDI UK AH KU QAABILAY MADXATOYADA

Image
  MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WAFDI KA SOCDAY BOQORTOOYADA INGIRIISKA Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman. Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed. Dha...

Soomaaliya oo Xoojisay Iskaashiga Tamarta ee ay la leedahay Kuwait

Image
 Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed, oo booqasho ku jooga dalka Kuwait, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Kuwait dhiggiisa Wasiirka Batroolka Kuwait Mudane Tareq Sulaiman Al-Ruumi. Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca horumarinta kheyraadka shidaalka. Waxay ka wada hadleen sidii dowladda Kuwait ay uga taageeri lahayd Soomaaliya dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha shidaalka, kor u qaadidda aqoonta iyo tayeynta shaqaalaha, iyo wadaagista khibradda dheer ee Kuwait u leedahay maareynta iyo soo saarista shidaalka. Wasiir Tareq Sulaiman Al-Ruumi ayaa xaqiijiyey sida ay dowladda Kuwait uga go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto khibraddeeda iyo waayo-aragnimadeeda dhinaca horumarinta shidaalka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku soo j...

Soomaaliya oo Daah-furtay Dhismaha Deganaanshaha Safiirka ee Safaaradda Daar es Salaam

Image
  Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Daar es Salaam. Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Tanzania, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Tanzania, iyo xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed. Dhismaha cusub ee degaanka safiirka ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka turjumaya hal-adayg diblomaasiyadeed, ayaa qeyb ka ah dadaallo uu hormuud u ahaa Danjire Ilyaas Cali Xasan, kaasoo ka bilaabay hirgelinta iyo dayactirka dhismaha safaaradda. Isaga oo ka hadlayay munaasabadda, Xoghaye Xamsa ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas hirgelinta dhismaha safaaradda iyo degaanka safiirka, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo walaalnimo ee Jamhuuriyadda Tanzania. Ugu dambeyntii, Danjire Ilyaa...

Madaxweyne Laftagareen oo Wafdiga Qaramada Midoobay ku qaabilay Baydhabo, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta jinsiga iyo gargaarka bani’aadannimo

Image
  Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Ku-xadgudubka Jinsiga, waxaana wafdiga sidoo kale ka mid ahaa Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta jinsiga, ka hortagga tacaddiyada ku saleysan jinsiga, iyo horumarinta howlaha gargaarka bani’aadannimo ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa wafdiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay shacabka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, carruurta, iyo guud ahaan bulshada nugul. waf...

Ma jirtaa fursad ay dalalka daciifka ah uga faa’iideysan karaan isbeddelka ka socda caalamka?

Image
  Ma jirtaa fursad ay dalalka daciifka ah uga faa’iideysan karaan isbeddelka ka socda caalamka?  Dunidu maanta ma joogto meel deggan. Qof walba wuu dareemayaa. Dalalka waaweyn way is eegayaan, way is cabbirayaan, mid walbana wuxuu doonayaa inuu hubiyo inuusan ka harin jihada cusub ee caalamka. Kuwa dhexe iyaguna ma seexanayaan, waxay raadinayaan fursad ay ku muujiyaan in ay wax ku leeyihiin miiska lagu go’aaminayo mustaqbalka dunida. Laakiin su’aasha dad badan maskaxdooda ku wareegaysa waa tan: dalalka tabarta yar maxaa sugaya? Ma yihiin kuwa mar walba la adeegsanayo mise way jirtaa waddo ay ku badbaadi karaan, xitaa ay wax ku kasban karaan? Qaar waxay aaminsan yihiin in dal daciif ah uusan fursad lahayn. Laakiin marka taariikhda dib loo eego, arrintu sidaas ma aha mar walba. Dalal badan ayaa jiray oo xaalad adag kasoo baxay, haddana helay kalsooni, helay cid la shaqeysa, xitaa helay cid garab istaagta. Dalalku wax kuma qiimeeyaan , dalkaasii waa mid daciif ah, sidaa darteed l...

Soomaaliya iyo Jabuuti Oo Kala Saxiixday Heshiis Is-afgarad oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista

Image
  Muqdisho, 9-ka Febraayo 2026 Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmibaarista. Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, ayaa ujeeddadiisu tahay in la dhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal. Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa qodobada soo socda: Is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha. Taageeridda tababarrada iyo barnaamijyada cilmibaaris ee muddada gaaban ah. Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaarro wadajir ah. Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD). Fududeynta arrimaha deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka. Labada dal ay...

Xildhibaan Abdirahman Abdishakuur Warsame: “Difaaca Dastuurku Waa Mas’uuliyad Qaran, Maaha Mucaaradnimo

Image
  Muqdisho, Febraayo 2026 – Xildhibaan Abdirahman Abdishakuur Warsame ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada dastuurka. Warsame ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku dhaqaaqday wado kelitalisnimo siyaasadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in difaaca dastuurka Soomaaliya uu yahay doorasho qaran oo go’aamisa jihada dalka, islamarkaana uusan ku koobnayn aragti xisbi ama doodo farsamo. Xildhibaanku waxa uu faahfaahiyay dhacdooyinkii Sabtida, 7-da Febraayo, markii uu booqday Baarlamaanka, isagoo la kulmay qalalaase amni oo ay ka mid ahaayeen bar-kontoroollo booliis, ciidan milatari iyo ilaalada madaxtooyada, halkaas oo xildhibaanno loo hanjabay ama looga cabsi geliyay ka qayb qaadashada doodaha sharciga ah. Warsame ayaa xusay in dhacdooyinkani ay yihiin cabburin siyaasadeed oo ka dhan dastuurka, isla markaana muujinaya isku day kelitalisnimo oo dhaawacaya nidaamka dimuqraadiga ah. Xildhibaanka ayaa ka digay in wax ka beddelka dastuurka...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo Soo Dhaweysay Dib-U-Soo-Laabashada Suudaan ee IGAD

Image
  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD). Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkeynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee caalamiga ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa hoggaanka xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya. Dadaalladan ayaa door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Jamhuuriyadda Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida goboleed, wada-tashiga joogtada ah, iyo masuu...

3 qodob oo hortaala madaxweyne Xassan?

Image
  3 qodob oo hortaala madaxweyne Xassan? Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu maanta taagan yahay isgoys siyaasadeed oo cariiri ah. Mudo xileedku waa dhamaad, cabashooyinka dhul-boobka iyo kalsooni-darro bulsho way sareeyaan, halka madaxda dawlad gobaleedyada mudo dhaafka ah ay ku noqdeen cadaadis toos h. Isla markaas, beesha caalamka waxay dalbanaysaa jihayn cad, doorasho la isku halayn karo, iyo xasilooni siyaasi ah. Golaha Mustaqbalku, waxay kala doodayaan doorasho heshiis lagu yahay & Dibu laabasho Dastuurkii asalka ahaa, taas oo cida hadda qasban ay noqonayso madaxweyne Xassan Sheikh oo sadexdii sanno & kalkooskii lasoo dhaafay soo tamashleeyey. Xassan wuxuu wajahayaa saddex doorasho, oo hadba tii uu qaato khatar/faa`iido leedahay. 1. Is-maareyn iyo iska dejin xiisadaha (siyaasad degan, laheshiin mucaaradkiisa ah), 2. Isku dhejin xoog ah oo sii fogeyn karta kalsoonida (Abuuri karta amni darro la arkay) 3. Ama dib-u-habayn degdeg ah oo badbaadin karta sumcadiisa. MW X...

Historic Abu Dhabi Talks: 314 Prisoners to be Exchanged by US, Ukraine, and Russia

 A major diplomatic breakthrough has emerged from Abu Dhabi, where delegations from the United States, Ukraine, and Russia reached an agreement to exchange 314 prisoners following detailed peace talks hosted by the United Arab Emirates on February 5, 2026. The first exchange of its kind in five months, the deal was confirmed by Steve Witkoff, Trump’s envoy and a key participant in the negotiations. Witkoff described the discussions as “detailed and productive”, emphasizing that while significant challenges remain, the agreement demonstrates that sustained diplomatic engagement delivers tangible results. He added that talks will continue in the coming weeks, with expectations of further progress, and expressed his gratitude to the UAE for hosting the negotiations, as well as to President Trump, whose leadership helped make the agreement possible. This prisoner exchange represents a critical step toward stability and highlights how diplomacy, even in the most complex conflicts, can a...

🔴 #UPDATE: Khilaafka Baydhabo oo saameeyay kulanka Golaha Wasiirrada Federaalka

Image
 Kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada Federaalka ayaa si weyn u hareeyay iska horimaadyadii shalay iyo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo dood culus ay dhex martay xubno ka tirsan golaha oo labo dhinac u kala janjeeray. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa fadhiga ka sheegay in Baydhabo lagu qaaday weerar ka dhan ah ciidanka dowladda, isla markaana la hortaagan yahay hanaan doorasho oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo. Waxa uu ku tilmaamay habkaasi mid aan sharci ahayn, isaga oo ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in ay gabood-fallo ka geysteen ciidanka Xoogga Dalka. Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiru Dowlaha Qorsheynta DFS—kuwaas oo taageersan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen—ayaa difaacay tallaabooyinka la qaaday. Waxay sheegeen in iska horimaadyadu ka dhasheen howlgallo looga hortagay kooxo jidgooyooyin dhigtay oo halis ku ahaa amniga. Mukhtaar Roobow, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay is d...

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Mas’uuliyiinta Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Image
  Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka, Mudane Maxamed Haaruun iyo Xogahayaha Guddiga, Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf, kuwaasi oo kusoo baxay doorasho hufan oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aqoonta iyo waayo aragnimada hoggaanka la doortay ee guddigu ay door muhiim ah ka qaadan-doonto xaqiijinta riyada Soomaaliya ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isaga oo ku adkeeyay Mas'uuliyiinta iyo Xubaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka. Doorashada Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iya...

Khalifa Haftar Visits Pakistan: Libya-Pakistan Military Cooperation Deepens

Image
  Libya’s Eastern Army Commander, Gen. Khalifa Haftar, embarked on his first official visit to Pakistan yesterday. During his trip, Haftar met with Pakistan’s Chief of Army Staff, Field Marshal Asim Munir, at the Rawalpindi Airbase. The discussions focused on multifaceted military cooperation and regional security concerns. According to the official statement, both leaders exchanged views on mutual interests, with a particular emphasis on security in their respective regions and enhancing professional military collaboration. Why Pakistan Hosted Haftar Reliable sources indicate that Haftar is set to purchase military equipment from Pakistan valued at $4 billion, including: 16 JF-17 fighter jets 12 trainer aircraft These purchases aim to modernize and train Libya’s Eastern forces, reflecting a significant upgrade in their capabilities. Strategic Context Haftar’s visit comes amid shifts in his position regarding Sudan, following clear pressure from Egypt. Additionally: The Kufra airpo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Xarigga ka Jaray Waddo Casri ah oo laga Hirgeliyey Degmada Wadajir

Image
  Muqdisho, Talaado, 03 Feebraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 2km, taas oo laga hirgeliyey degmada Wadajir, gaar ahaan deegaanka Buulo-Xuubey. Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho, si loo helo waddooyin tayo leh oo u adeegaya baahiyaha shacabka. Ra’iisul Wasaaruhu ayaa xusay in waddadan uu horey u dhagax-dhigay 4-tii Nofeembar 2025, islamarkaana lagu hirgeliyey muddo 3 bilood gudahood, taas oo muujinaysa hufnaanta, kartida iyo dadaalka lagu bixinayo horumarinta kaabayaasha waddooyinka. Waddadan ayaa loo dhisay si casri ah, iyadoo leh tayo sare iyo naqshad waarta, si ay muddo dheer ugu adeegto bulshada. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda ay tahay tiir m...

Somalia

Image
 Ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga , Axmet Daa’uud Ooglu ayaa daahqaaday iskuday uu Ingiriiska , sannadkii 2012 ku doonayay in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya , markaa oo Ingiriiska uu sheegay inay bixiyeen dadaal lagu qancinayo diblomaasiyiin reer Yurub iyo Afrikaan ah inay aqoonsadaan Somaliland, balse wuxuu sheegay inuu iskudaygaa si shaqsi ah uga hortagay. Ooglu, ayaa intaa ku daray intii uu socday  shirkii London ka dhacay sannadkii 2012,inuu si toos ah ugu sheegay xog-hayihii arrimaha dibadda Ingiriiska , William Hague; “ Annagu waxaan Soomaaliya u keeneynaa xasillooni, idinkuna waxaad isku dayaysaan inaad kala qeybisaaan.”  Wuxuu intaas ku daray in haddii Ingiriiska uu  aad ugu adkeysanayso aqoonsiga dal, “marka hore aqoonsada Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubruska Waqooyi, kaddib ayaana ka wada hadli karnaa Somaliland.” Wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu markii dambe isku keenay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland magaalada Ankar...

Dhuusamareeb: Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo Si Rasmi ah Loogu Soo Gabagabeeyay

Image
  Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Heer Federaal iyo Dowlad-Goboleedyada oo si Rasmi ah Maanta loogu Soo Gabagabeeyay Dhuusamareeb. Dhuusamareeb, Axad, 1 Febraayo 2026 Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee u dhexeeya Heerarka Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada. Shirweynahan oo socday labadii maalmood ee 31 Janaayo iyo 1 Febraayo 2026, kana qabsoomay Dhuusamareeb, ayaa waxaa lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo abaaraha, loona horumariyo adeegyada tamarta iyo biyaha ee bulshada Soomaaliyeed. Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid ...

Xiisadda Iiraan iyo Doorka Turkiga

Image
Xiisadda Iiraan, ayaa gobolka bariga dhexe ka dhalisay loollan dib usoo celisay kala jabka Carabta iyo Turkiga.  • Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay Sacuudiga inuu kula taliyay Mareykanka , in laga dhabeeyo hanjabaada Trump ee weerar lagu qaado Iiraan.  • Warbixinnadaa markii ay soo baxeen ; wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa baahiyay sawir uu gacmaha heysto madaxweynaha Turkiga, Erdogan iyo wasiirka arrimaha dibadda , Hakan Fidan , isagoo Turkiga ku tilmaamay walaal , bixinaya dadaal lagu xasillinayo gobolka.  • Waxaa xigatay ; wakaaladda wararka AFP oo baahisay sarkaal ka tirsan dawladda Sacuudiga inuu u sheegay Turkiga inuusan qeyb ka noqon doonin heshiiska difaaca wadajirka ah ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Pakistan.  • Trump ayaa soo baxay oo sheegay in wadahadallo sax ah oo la xiriirta arrinta Iiraan inay socdaan, taa oo ka duwan hanjabaadihii uu Iiraan u dirayay.  • Warbaahinta Mareykanka ayaa soo laabatay oo sheegaysa in 24 saac ee u d...