Posts

Showing posts from January, 2026

Trump Oo U Digay Iiraan: “Waqtigu Wuu Dhammaanayaa — Heshiis Nukliyeer Ama Wax Ka Xun

Image
  Trump ayaa sheegaya in uu Iran dul geeyey ciidankii soo qabtay Nicolas Maduro oo ahaa madaxweynihii Venezuela, iyagoo wata amar cad iyo ujeedo xaqiijinteeda ay cadahay. Trump ayaa ku hanjabay in ciidankani ay yihiin kuwa deg deg u fulinaya amarka la siiyey oo xataa u bareeraya dagaal dhameystiran, hubkii USA-na uu madaxa Iran dulyaalo oo ay tahay in ay Nuclear iskaga tanaasulan, miiska yimaadaan ayagoo deg degaya. "Waqtigu wuu dhammaanayaa, arrintuna waa mid degdeg ah oo lama huraan ah, mana jiro Nuclear ay haysan karto Iran" ayuu yiri Trump. "Haddii aad diidaan heshiiska oo aad sameyn weydaan sidaas, waxaa dhacaya wax ka xun “Howlgalkii Midnight Hammer,” dagaalka cusub wuxuu ahaan doonaa mid aad uga sii xun! Ha ogolaaina taasi" ayuu yiri Trump. #Iran #Trump #USPolitics #NuclearDeal #MiddleEast #USMilitary #Geopolitics #BreakingNews #OperationMidnightHammer #GlobalSecurity

Socdaalka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Taageerada Caalamka ee Shuruudaysan

Image
  Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa markii ugu horreysay si cad u sharraxay halka ay ka timid taageerada ballaaran ee Mareykanka, Yurub, dalalka Carabta iyo dhinacyo kale ay u muujinayaan madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharac. Hakan Fidan wuxuu sheegay in, kadib markii Bashaar al-Assad uu ka cararay Suuriya, ay dalalka gobolka kulammo ku yeesheen Cumaan iyo Masar, kulammadaas oo ay ka qeyb galeen ⅕wakiillo ka socday Yurub iyo Mareykanka. Halkaas ayaa lagu dejiyay shuruudo iyo filashooyin cad oo laga rabo dowlad kasta oo laga dhiso magaalada Dimishiq. Wuxuu yiri: “Waxaan u sheegnay Axmed al-Sharac in dalalka gobolka ay ka sugayaan arrimo cad. Haddii uu ballanqaadkaas fuliyo, dhammaan dhinacyadu way taageeri doonaan. Haddii uusan fulin, taageeradu way istaagi doontaa, dadkuna way ka soo horjeesan doonaan.” Hakan Fidan wuxuu sheegay in Axmed al-Sharac uu arrintaas aqbalay, isla markaana waxqabadkiisa illaa hadda ay si buuxda ugu qanceen dhammaan dhinacyadii la hadla...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hambalyo u Diray Aqoonyahannada Qalin-jabiyay

Image
Muqdisho, Jannaayo 24, 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE). Ra’iisul Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey aqoonyahanada qalin-jabiyay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan heerkan sare ee aqooneed, ayaa xusay in culuumta ay barteen ay tahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumar waara oo dalkeenna gaaro. “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa horumarka tacliinta sare ee dalka, in aan aragno arday Soomaaliyeed oo dalkooda gudihiisa ku qaadanaya shahaadooyinka sare ee PhD iyo Master, waa guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada maanta qalin-jabiyey waa kuwii hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka uu u baahayahay dalkeenna .” Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda University for Peace (U...

“Istaraatiijiyadda Difaaca Mareykanka 2026: Yurub Ha Isku Tashato, Ruushkuna Waa Khatar La Xakamayn Karo”

Image
  Wakaaladda wararka ee AP, ayaa soo bandhigay  warbixinno laga helay istaraatiijiyadda Difaaca Mareykanka ee 2026 oo si faahfaahsan loogu soo bandhigay in Ruushku uu weli yahay khatar ku wajahan dalalka bariga Yurub ee NATO, balse khatartaasi ay tahay mid la xakamayn karo. Wasaaradda Difaaca Mareykanka waxay sheegtay in ciidanka Mareykanka ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan dhulka Mareykanka khatar kasta oo ka timaadda Ruushka. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanku sii wadi doono ka qaybqaadashadiisa NATO, balse uu dib u eegayo tirada iyo habka ay ciidamada Mareykanku uga joogaan Yurub. Tani waxay ujeeddadeedu tahay in dalalka Yurub ay qaataan door weyn oo ku saabsan difaacooda, wax u eg ; Yurub ha isku tashato, iyadoo la tixgelinayo awoodaha ay iyagu leeyihiin. Sida ku xusan warbixinta, Ruushku ma hayo awood uu ku doonan karo inuu ka taliyo Yurub. Dalalka Yurub ee NATO ayaa Ruushka kaga horreeya dhinacyada dhaqaalaha, tirada dadka iyo awoodda militari. Warbixi...

Soomaaliya oo ka Qayb-gashay Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka

Image
  Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa martigelisay Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirrada iyo hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta ee ka shaqeeya horumarinta isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo nidaamyada dijitaalka. Kulankan heer sare ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS, Mudane Maxamed Adam Macallin (Soomaali), kaas oo door muuqda ka qaatay kulamada, wada-tashiyada istiraatiijiga ah iyo doodaha la xiriiray ajendaha shirka. Intii uu socday kulanka, Wasiir Maxamed Adam Macallin ayaa si cad u soo bandhigay aragtida Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo waara loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha. Wasiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay u aragt...

Somali National Army Foils Major Terrorist Attack in Kudhaa, Lower Juba

Image
  The Somali National Army (SNA), particularly the elite Danab Commandos, in coordination with Jubbaland Security Forces and supported by international partners, has successfully concluded a major security operation in the town of Kudhaa, located in the Lower Juba region. The operation, which lasted more than 24 hours, was launched following a terrorist attack carried out by Al-Shabaab militants. Somali forces engaged the attackers in direct combat, demonstrating strong coordination, bravery, and operational readiness. According to official sources, more than 130 militants were killed during the clashes, while several others were injured. Security forces also seized combat vehicles and weapons abandoned by the fleeing militants. Following the operation, Kudhaa town and its surrounding areas are now fully under the control of the Somali National Army and Jubbaland Security Forces. Troops remain on high alert to prevent any further security threats. The Ministry of Defense of the Fed...

Somali Police Issues Strict Orders Against Armed Motorbike Riders

Image
  The Somali Police spokesperson, Brigadier Abdifataax Aden Hassan, announced that strict orders have been issued to police forces regarding armed motorbike riders who follow civilians or vehicles from behind. Authorities are stepping up security measures to curb the threat posed by armed motorcyclists, aiming to ensure public safety in urban areas. The police have urged the public to cooperate with law enforcement and report any suspicious activity. This move is part of the broader efforts by the Somali Police to strengthen law and order and protect citizens from emerging security threats. #Somalia #SomaliPolice #Security #PublicSafety #Mogadishu #LawAndOrder #NationalSecurity #CrimePrev ention

NHPC Secretary General Conducts Official Visit to Mogadishu Somali–Türkiye Hospital

Image
  The Secretary General of the National Health Professionals Council (NHPC), Mr. Mohamed Mohamud Adow, today carried out an official working visit to the Mogadishu Somali–Türkiye Recep Tayyip Erdoğan Hospital (formerly Digfeer Hospital). During the visit, the Secretary General held a productive meeting with the hospital’s Director General, Prof. Dr. Yusuf Çokay, and the Deputy Director, Dr. Mohamed Hussein Ashraf. The discussions focused on strengthening cooperation between NHPC and the hospital administration, improving the quality of healthcare services provided to the public, and ensuring full compliance of health professionals with national laws, ethical standards, and professional regulations. The meeting also highlighted the significant role played by Mogadishu Somali–Türkiye Hospital in advancing healthcare delivery, providing continuous medical training for health workers, and implementing modern systems aimed at improving patient care and hospital performance. Mr. Adow com...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka. Guddoomiyaha Hay’adda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hay’addu u hayso dadka nugul, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha. Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda NCRI. Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda dadka ay saameeyeen barakaca. Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta hay’adda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah bulshada ka faa’iideysta adeegyada maalinlaha ah ee xarunta dhexe. Ugu dambeyn, Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa uga mahadceliyay wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar u leh qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.

Image
  Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka. Guddoomiyaha Hay’adda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hay’addu u hayso dadka nugul, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha. Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda NCRI. Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaa...

Somalia Launches Phase II of the Joint Police Programme to Strengthen National Security

Image
  The Minister of Internal Security of the Federal Government of Somalia, General Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), today inaugurated a key meeting of the Programme Steering Committee (PSC), focusing on the development of Phase II of the Joint Police Programme (JPP II). Co-chaired by the Minister alongside international partners, the meeting aimed to review and approve the 2026 Work Plan and Budget, accelerating the implementation of the programme and enhancing Somalia’s policing capacity. The session brought together Federal and State Security Ministers, the Deputy Commissioner of the Somali Police Force, senior police officials, and representatives from UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, the European Union (EU), and the United Kingdom. Discussions focused on the progress of JPP II, coordination between federal and state levels, lessons learned from previous phases, and measures to expedite the delivery of community security services. By the end of the meeting, the JPP II 2026 ...

Trump’s Nobel Frustration and Greenland Ambitions

Image
  Former U.S. President Donald Trump sent a sharply worded letter to Norwegian Prime Minister Jonas Gahr Støre, expressing his displeasure over not receiving the Nobel Peace Prize. Trump claimed the decision was unfair, citing that he had ended eight wars that could have impacted global peace. He also tied the Nobel decision to his interest in Greenland, suggesting that Denmark cannot defend the island against Russia or China and questioning their sovereignty claims. Trump emphasized that the U.S. has contributed more to NATO than any other country and argued that global security depends on America gaining full control over Greenland. Excerpt from Trump’s letter: “Since your country decided not to award me the Nobel Peace Prize, even though I stopped eight wars and more, I no longer feel obligated to personally think about peace, although it will remain a priority. I can now focus on what is right for the United States.” “Denmark cannot defend Greenland from Russia or China, so why...

Guul Iyo Horumar Waxaan ku soconnaa jidka saxda ah. Horumar kasta wuxuu ka bilaabmaa hal tallaabo. 💪🇸🇴

Image
  Muqdisho, Janaayo 19, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay dhigeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hannaan cusub oo diiwaangelin ah oo lagu billaabay gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga guud. Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa caddeeyay in ay lama huraan tahay in la diiwaangeliyo gaari kasta oo ka shaqeeya caasimadda, si loo helo xog dhammaystiran oo ku saabsan gaariga, milkiilaha, qofka damiin ka ah, iyo shaqaalaha ka howlgala gaariga, sida darawalka iyo kaaliyihiisa (kirishboyga). Wuxuu xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga, laguna xaqiijinayo badqabka muwaadiniinta. Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in lacago dheeraad ah laga qaadi doono wadayaasha ama milkiilayaasha gaadiidka, isagoo adkeeyay in aan la qaadi doonin wax...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Villa Soomaaliya ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socday Bangiga Adduunka

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga Afrika qaarkood, Mr. Qimiao Fan. Kulankan muhiimka ah waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Maamulaha Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka, Mr. Hideki Matsunaga. Kulanka ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka. Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay joogtaynta xasilloonida dhaqaalaha guud, dardar-gelinta maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta tamarta, iyo isku-xirka gobollada dalka. Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay hirgelinta Hindisaha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo fure u ah kobaca dhaqaale iyo horumar waara oo ay Soomaaliya gaarto. Bangiga Adduunka waxa uu ka...

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo Kormeer Ku Tagay Mashaariicda Dowladda Puntland

Image
 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Wasiirka waxaa si diirran usoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo Wasiirka uga warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan. Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qiimeynta heerka horumarineed ee mashaariicda socota, xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo la socodka caqabadaha jira si xal waara loogu helo, loona dardargeliyo horumarinta adeegyada gaadiidka. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee JFS ay sii xoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Image
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu horaanta toddobaadka soo socda safar rasmi ah ku tago magaalada Laascaanood, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka. Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Laascaanood ay martigelinayso munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ay horey uga qeybgalayaan xubno sare oo ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka. Masuuliyiinta dowladda ayaa tilmaamaya in booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso taageerada buuxda ee Dowladda Federaalka u hayso maamulka SSC-Khaatumo, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada, xasiloonida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, booqashadan ayaa imaaneysa kadib markii uu burburay wadahadal hore oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay ugu sheegay qaar...

Somalia Warns Against Unauthorized Agreements, Cancels All Deals With UAE

Image
  The Federal Government of Somalia has issued a strong warning that no agreements can be entered into without its official knowledge and approval, following a cabinet decision to cancel all agreements with the United Arab Emirates (UAE). Speaking to the BBC, Somalia’s Minister of Information, Daud Aweis, confirmed that the Council of Ministers reached the decision during a meeting held in Mogadishu. He stated that the Somali government has formally terminated all existing agreements with the UAE. According to the minister, the canceled agreements include those signed directly by the federal government as well as deals entered into by regional administrations or individual government institutions. Among the affected projects are UAE-linked activities in Berbera, Bosaso, and Kismayo. “The decision was made by the Council of Ministers and clearly states that the Federal Government of Somalia has officially suspended all agreements with the United Arab Emirates,” Minister Aweis said. ...

The Somali decision is ideological, not sovereign

Image
:one: The Somali decision is ideological, not sovereign     •    The decision came as a result of the Abraham Accords between the UAE and Israel, which recognized Somaliland, also paving the way for an Abraham Agreement.     •    This confirms that the decision is driven by ideological considerations rather than genuine national sovereign interests. :two: Undermining the UAE’s developmental and security partnership     •    The United Arab Emirates has been an active development and security partner in ports management and counterterrorism.     •    Canceling the agreements harms Somalia’s own security and reveals that the real objective is to exclude moderate partners. :three: Declared alignment with the Saudi–Turkish axis     •    The decision effectively places Somalia within a camp hostile to regional peace processes.     •...

Somalia Suspends UAE Military Operations Amid Rising Tensions

Image
  Reliable sources have confirmed that the Federal Government of Somalia has begun suspending several military and logistical operations conducted by the United Arab Emirates (UAE) inside Somalia, following strong dissatisfaction with Abu Dhabi’s recent actions. According to informed sources, the Somali government was angered by the UAE’s role in secretly facilitating the movement of Aydarous Al-Zubaidi, a Yemeni separatist leader, through Somali territory. This act was viewed as a serious violation of Somalia’s sovereignty and national security protocols. As a result, the Federal Government has withdrawn flight permissions for UAE military aircraft and ordered the suspension of Emirati military activities across Somalia. The ban specifically includes aircraft such as C-17, C-130, New Way Cargo, Batot, and Fanjet, which had frequently operated in Mogadishu and Bosaso. Sources further report that since the enforcement of these restrictions, the UAE has begun withdrawing its troops a...

Trump Weighs Military Strike Options Against Iran as U.S. Signals Support for Change

Image
  According to reports obtained by The New York Times, U.S. President Donald Trump has been presented with multiple military strike options against Iran, as Washington considers steps aimed at weakening the country’s clerical leadership, which has ruled for more than four decades. Sources familiar with the matter say that a decision has already been made in principle to prepare for a possible attack. U.S. military equipment and logistical supplies have reportedly been moved to regional bases from which any operation could be launched. However, the exact nature, scope, and timing of a potential strike remain undecided, with the final call resting solely with President Trump. The reported plans are said to be linked to ongoing unrest inside Iran, where protesters have taken to the streets in opposition to the ruling establishment. U.S. officials view the demonstrations as a reflection of deep public frustration with political repression, economic hardship, and decades of clerical rul...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Image
  Mogadishu, Friday, 9th January, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud delivered a speech to the public, focusing on reconciliation and condemning Israel’s interference against Somalia’s sovereignty and territorial integrity. 2- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a Cabinet meeting, delivering a speech on the country’s security situation, the fight to eradicate the Khawarij, and the recent elections of the Mogadishu Municipal Council. 3- The Council of Ministers approved two memoranda of understanding: one between Somalia and Uganda on security, and another between Somalia and Saudi Arabia on maritime transport cooperation. 4- Foreign Minister H.E. Abdisalam Abdi Ali held a meeting in Riyadh with Saudi Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan bin Abdulaziz Al Saud, with emphasis on supporting Somalia’s unity and territorial integrity. 5- Foreign Minister H.E. Abdisalam Abdi Ali spoke by telephone with his counterpart from the Republic of Indonesia, discussing the importance...

Yemen Update – Collapse of STC in the South

Image
  Golaha koonfurta Yemen ee STC , oo labo toddobaad ka hor gacanta ku hayay in ka badan kala bar dalka Yemen , ayaa maanta la kala diray, kadib markii hoggaamiyihii STC , Cayduruus Al-Zubaydi uu ka baxsaday Yemen, isla markaana Sacuudiga oo taageerraya dawladda la aqoonsanyahay ay qabsadeen dhulkii ay STC gacanta ku heysay.  Maxay tani ka dhigantahay?  Kala dirista Golaha Koonfurta Yemen (STC) iyo baxsashada hoggaamiyihii STC, Cayduruus Al‑Zubaydi waxay calaamad u tahay jab istaraatiiji ah oo ku yimid mashruucii Imaaraadka Carabta ee Koonfurta Yemen. Muddo sanado ah, Imaaraadka Carabta wuxuu STC u arkayay qalab istaraatiiji ah; ciidan dhulka maamula, dekedaha iyo marin-biyoodka gacanta ku haya (Cadan, Mukalla, Bab al-Mandab), isla markaana xakameeya saamaynta Sacuudiga iyo dawladda rasmiga ah ee Yemen. Maalgashigan wuxuu ku dhisnaa hub, tababar, dhaqaale iyo sharciyeyn siyaasadeed. Hadda maxaa is beddelay? Kala dirista STC waxay muujinaysaa in Imaaraadku ku guuldareysta...

Hawlgal Guul leh oo Ka Dhacay Buur Eyle – Ciidamada Danab

Image
  Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba, gobolka Bay. Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay. Natiijada hawlgalka, 22 dhagarqabe ayaa lagu dilay, waxaana la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday. Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin. Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, oo ay wehliyeen saaxiibada caalamka, ayaa si nabadgelyo ah ugu soo laabtay saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan g...

Warbixin: Sida uu Caydaruus Al-Zubaydi Yemen uga baxsaday iyo safar sir ah oo uu ku tegay Imaaraadka

Image
  Warsaxaafadeed ka soo baxay isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo, oo ay baahiyeen Al Jazeera iyo Reuters ayaa lagu soo bandhigay qaabka uu Yemen uga baxsaday hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen (STC) ee Imaaraadka uu taageerro, Caydaruus Al-Zubaydi  , kaasoo la sheegay inuu  habeenkii Arbacada doon uu ka raacay Cadan ay geysay dekedda Berbera , halkaa oo diyaarad ka qaaday lagu geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho— waqti uu ku sugnaa kaddib waxaa la sheegay in isaga iyo saraakiil Imaaraad ah laga dejiyay garoonka milatari ee Al-Reef oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi ee caasimaadda Imaaraadka Carabta ,iyadoo inta lagu jiray duulimaadkan ay diyaaradda siday Caydaruus dansatay nidaamka la socodka diyaaradaha marka ay dulmaraysay Gacanka Cumaan, waxaana la shiday 10 daqiiqo kadib markii ay ka degaysay Abu Dhabi.  Reuters, waxay sheegtay haddii la xaqiijiyo Caydaruus inuu ku suganyahay Abu Dhabi, inay ka caraysiinayso Sacuudiga oo horey ugu sheegay Imaaraadka inuu xakamee...

Xaaladda Yemen oo Gashay Marxalad Cusub Kaddib Khilaafkii u Dhexeeyay Sacuudiga iyo Golaha Koonfurta Yemen (STC)

Image
 Xaaladda Yemen ayaa gashay waji cusub kaddib markii hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus Al-Zubaydi oo ay Imaaraadku taageeraan uu ka baaqsaday inuu tago magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, halkaas oo lagu waday in wadahadallo uga furmaan isaga iyo Golaha Hoggaaminta Yemen. Markii hore waxaa soo baxay warar sheegaya in Caydaruus uu ka baxsaday Yemen, isla markaana uu ku sugan yahay meel aan la aqoonsan. Hase yeeshee, warsaxaafadeed ay sii daayeen Golaha Koonfurta Yemen (STC) ayaa lagu caddeeyay inuusan baxsan, balse uu weli ku sugan yahay magaalada Cadan, sida ay werisay Al Jazeera. Warsaxaafadeedka STC ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay lumiyeen xiriirka wafdi ka socday oo horay ugu sugnaa magaalada Riyadh. Isbeddelkan, wuxuu dhaliyay inuu Sacuudiga dib u billaabo duqeymo ka dhan ah STC . Arrintaas waxaa barbar socday go’aan ka soo baxay Golaha Hoggaaminta Madaxtooyadda Yemen oo ah isbahaysi ay ku mideysnaayeen dhinacyada koonfurta Yemen ee Sacuudiga iyo Ima...

WAR-SAXAAFADEED:

Image
  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel Cilaan, oo qiyaastii 30 KM dhanka bari kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Howlgalkan ayaa lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan khawaarijta argagixisada, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay shacabka deegaanka, Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay shan dhagarqabe, halka sidoo kale gebi ahaanba la burburiyay fariisimihii ay halkaas ku lahaayeen. Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan in howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.

WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Image
  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul ah u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay Doorashada Golaha Deegaanka. Doorashadan ayaa astaan u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, hannaanka Federaalka, iyo maamul wanaagga. Waxay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho, iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir. Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hogg...

Saudi Aggression in Southern Yemen: What the World Must Know

Image
  What we are witnessing in southern Yemen is not a security operation — it is a coordinated military invasion led by forces affiliated with the Brotherhood, backed by Saudi political and military power. These forces do not represent the will of the people; they aim to impose domination through violence rather than engage in real political solutions. What Is Happening This invasion targets southern cities and communities. It is rejected by the population and is bound to fail. These actors operate with an enemy mindset, reproducing the same chaos and violence that once afflicted southern Yemen. Political & Security Dimension The stated justification of “security” is a cover. The real objective is to undermine southern stability, keeping the region in conflict and tension. Supported by Saudi Arabia, these forces have no authentic security agenda — only domination and coercion. Terrorism & Engineered Chaos Saudi‑backed incursions have repeatedly created security vacuums. These...

Madaxweyne Xasan ; “ Waa suragal inan awood uga hortagno aqoonsiga Somaliland.”

Image
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi uu maanta siiyay telefishinka Al Arabiya , wuxuu ku sheegay inuu si adag uga digayo tallaabooyin uu sheegay inay la xiriiraan Somaliland, isaga oo ku tilmaamay khatar jiritaan (existential threat) oo ku wajahan qarannimada iyo amniga qaran ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay daba socoto ujeeddooyin istiraatiiji ah oo ay ka leedahay Somaliland.  Wuxuu sheegay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana aysan lahayn wax sharci ah oo ay dal madax-bannaan ku noqon karto. “Waxa loogu yeero Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in dadaalladii lagu ilaalinayay midnimada dalka ee ku saleysnaa hab nabadeed ay wiiqmeen, kaddib tallaabooyin uu ku tilmaamay ku xadgudub sharciga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaanka Somaliland uusan lahayn sharciyad, isla markaana uu ku dhaqaaqayo tallaabooyin ka tarjumaya quus, isagoo ku dooday ...

WAR-SAXAAFADEED

Image
  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka difaaca iyo ka-hortagga ah ayaa lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale la gaarsiiyey jab culus oo dhimasho iyo firxadba leh maleeshiyaadkii la socday. Ciidamada Qaranka ayaa hadda baacsanaya firxadka Khawaarijta, si loo ciribtiro hadhaadigii baxsaday. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Khawaarijta, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐝𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛

Image
  Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka. - DHAMMAAD -